Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel





RAMADAAN KARIIM DHAMAAN


Marka hore Asalamu Calaykum Waraxmatulahi wabarakatuhu aduunka meel kasta oo aad kaga nooshahay, marka xiga waxan doonayaa inaan xoogaa isku baraarujino fadliga ay bishan leedahay iyo sida ugu haboon in looga faa'iidaysto.

Waxaan jeclahay wakhtiga oo yar owgii inaan mowduuca soo gaabiyo hadii uu ilahay yirahdo, hadalkaygana waxaan ku bailaabayaa sidan, mahad celin aan u mahadcilinayo alaha dhulka, samada iyo wixii ku noolba abuurtay ee ina haleeshiiyay inana soo gaadhsiiyay bishan barakaysan, waa bil qaali ah oo uu quraanku in badan fadligeeda ka waramay marka walaal bishan ka faa'iidayso sababta oo ah ma hubtid inaad gaadhayso Ramadaanka kale.

Su'aasha qiimaha wayn leh ee ay tahay in la is waydiiyo waa sidee looga faa'iidaysan karaa bishan jawaabtuna waa sida tan ayada oo gaaban, mana adka qofkii uu ilahay wanaag la doono.

Waxaa lagaa doonayaa marka hore guud ahaan inaad badiso wixii wanaag ah inta aad ka awoodo sida diintu farayso oo ay ugu horayso Salaada, Soonka, Sadaqada iyo wanaaga kale oo ay ka mid yihiin inaadan umada xagxaganin waa dardaarin qaali ah walaal umada ha xagxaganin


ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Sirad Muxumed(khalidyare)

Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan