Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Telecom 2017

Akhbaar in meel laga safriyo oo loo safriyo meel kale ayaa waxay noqotay arin baahi aan la qiyasi Karin looqabo ama aad loogu baahan yahay ugu yaraan tobankii sane ee u danbaysay oo ay aad ugu xidhan tahay nolosha wakhtigan lagu jiro , ha noqoto taleefoon, qoraal, xidhiidhka videowga live-ka ah ee lagu wada hadlo, waxaa kale oo aad ugu xidhin arimaha siyasada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo arimaha buslshada ee kale.
Waxaa lagu timaamaa inay tahay industry ku salaysan technoolajiyad aad isu badbadal badan, taas oo ay suuragaliso inta badan soo saarka waxa loo yaqaano Integrateded chip-ka oo si aad u badan loo soo saaro

kuwaas oo keena in Electronic devises badan oo qiima jaban la sameeyo oo ka duwan kuwii horay u jiray ama upgrade lagu sameeyo oo wax laga badalo kuwii hore. Dhinaca suuqaqa Qalabka Isgaadhsiinata ayaa Dadka wax ka qora kuna xeeldheer maadadan waxay ka muujinayaan calaacal ku soo fool leh mustaqbalka Shirkadaha isgaadhsiinta, khuburadu waxay soo jeedinayeen in sharkadahan ay u bahan yihiin inay badalaaan qaabkii hore ee ay u shaqayn jireen oo ay la yimaadaan istaraatiijiyad cusub o la jaanqaadi karta wakhtigan casriga ah hadii ay doonayaan inay sii jiraan.

Isgaadhsiinta Cusub 2017


Waxaa sanadihii la soo dhaafay ganacsiga isgaadhsiinat ku soo biiray shirkado yaryar oo ku samaynaya qiimo jaban waxyaabo badan oo shirkadihii hore ay qaali ku iibin jireen, shirkadahan yaryar waxay istcmaalayaan internetka, Softoweero iyo Isgaadhsiinta fiila La'aanta ah tan oo uu micanaheedu uu yahay in shirkadahan

ayna u baahanin, shaqaale badan iyo physical infrastructure badan, sidaa daraadeed waxay serfiskooda ku iibin karaan qiimo jaban oo laga yaabo inayna ku iibin karin shirakdahii hore u jiray.

Horumar-ka 2017-ka


Waxaa lagama maarmaaan ah in shirkadaha Telecomku ay yareeyaan serfisyada ay bixiyaan oo ay la yimaadaan straatiijiyo ka duwan tii hore, taas oo awood u siinaysa inay dadka wax ka iibsanaya ay helaan serfis tayo, iskuhalyn iyo qiimo jaban leh.
Dadka khuburada ku ah suuqaqa Telecomka qaarkood waxay leeyihiin maadadan mustaqabalkeedu wali wuu wacan yahay maxaa yeelay wali waxaa aad kor ugu kacaya iibsiga ama samaynta qalbaka electroniga ah ee la xidho(Wearable) ee ay ka mid yihiin Saacadaha la xidho ee cabirya dhaqdhaqaaqa wadnaha, sheegaya hadii uu dhiigaagu kor u kaco ama uu dhaco iyo waxyabo kale oo la mida, waxaa kale oo suuq wanaagsan leh iibsigaTaleefonada Mobilka, Tableetyada, Waxaa kale oo iyana suuqoodu uu kor u kacayaa Guryaha loo yaqaano Smart Homes oo salaya in qofku uu maamuli karo ama kala socon karo waxa ka dhacays gurigiisa, isago oo jooga qaarad kale, isago oo arki kara xaalada gurugiisu uu ku sugan yahay, damin ama daari kara nalalka guriga si uu ugu ekaysiiyo in la joogo, iyo arimo kale oo badan. Waxaa sidoo kale soo socda oo mardhow si aad ah suuqa ugu baaxi doona Baabuurta ayna cidna wadin ee loo yaqaano Driverless Cars.

Badbaadi Shirkadaada 2017


Xaaladu si walba ay tahay Shirkadaha isgadhsiinata waxaa si adag lagula talinayaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay la yimadaan aragtiyo cusub, inay fududeeyaan oo ay wax ka badalaan qaabka ay u shaqeeyaan si ay suuragal ugu noqoto inay keenaan ganacsi awood u siinaya inay kastamarka siiyaan wax tayo, iskuhalayn iyo qiimo jaban leh, iyo Straatiijiyad la joonqaadi karta 2017-ka.

One Global Network.
Khalid Mohamed.

Referencies

https://www.strategyand.pwc.com/trend/2017-telecommunications-industry-trends