Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Isgaadhsiinta Fiilo La'aanta ah(WIFI)

Isgaadhsiintu waxay ka mid tahay waxyaabaha qaybta wayn ka qaata nolosha banii aadamka ama waxaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu muhiimsan, waxay soo martay marxalado kala duwan ama wakhtiyo kala gadisan oo saad la socotaan waxaa akhbaarta looga diri jiray goob si loo gaadhsiiyo goob kale ayada oo la adeegsanayo technoolajiyo kala duwan, laakiin tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa si aad ah u xoogaysatay technoolajiyada loo yaqaano “Wireless communications” Oo micanaheedu uu yahay in akhbaar laga diro meel A oo la gaadhsiiyo meel B ayada oo aan la istcmalin wax fiilooyin ah.
Tusaale ahaan, technoolajiyada loo yaqaano Cellular network ayaa ku salaysan technoolajiyada isgaadhsiinta fiilo la'aanta ah, waana technoolajiyada suura galisay in Taleefoonada loo yaqaano Mobile phone iyo isgaadhsiin kale oo la mid ah aduunka laga isticmaalo. Mobilkaagu wuxuu sameeyaa intaas oo xidhiidh Nusmidhidhkii mar kasta oo uu akhbaar dirayo iyo marka uu helayo labadaba ayada oo aan la isticmaalin wax fiilo ah, sidoo kale waxaa la isku xidhi karaa Qalabka is gaadhsiinta ee manta aduunka laga isticmaalo fiilo la’aan, Sida Laptobyada, Mobile phone-da, telefishinada iyo kuwo kale badan oo la mid ah.

Isgaadhsiinta fiilo laanta ah waxaan awoodnaa in akhbaar loogu diro meel dhow oo dhowr talaabo ah, meel dhexe iyo meel fog oo Qaarad ka Qaarad ah ayada oo la isticmaalayo INTERNETKA.

Technoolajiyadu waxay u shaqaysaa siyaabo kale duwan, laakiin waxyabaha inta badan laga doonayo waa in akhbaarta mudo yar ay ku safri karto inta u dhaxaysa Meel A iyo Meel B, akbaar badan la diri karo nusmidhidhkii kasta , in si amaan ah akhbaartu u tagto meeshii loo waday, qiimo jabana ay ku baxdo.
One Global Network
Khalid Mohamed