Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Kulankii Donald Trump iyo Kim Jong Un Ee La Qorsheeyay Inuu Dhoco 12-Jun-2018 Xaguu Marayaa



Dowlada Maraykanka ee uu ka taliyo Donald Trump ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ku cabsiinaysay Kuuriyada Waqooyi in hadii ay joojin waydo hromarinta hubkeeda Nukliyeerka ah, talaabo adag ay ka qaadi doonto, oo hadii laga maarmi waayo la adeegsan doono awood Milatari, hase ahaatee Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa u arkayay in Donald trump iyo dowladiisu ay yihiin wax ma garato iska hadlaya, kuna nuuxnuuxsaday in Kuuriyada Waqooyi ay diyaar u tahay inay is difaacdo hadii weerar lagu soo qaado, ayna haysato hub ay si toos ah ugu burburin karto magaalooyinka Maraykanka, oo ay sidoo kale haysato gantaalada xambaara nukliyeerka, sidii aan aduunka ku tusnay tijaabooyinkii aan samaynay waxa yidhi Kim.

Hase ahaatee, aduunka qaybta nabada ka talisa ayaa ayugu aaminsanaa in khilaafkan lagu dhameeyo hab dublamaasiyadeed, oo arinta la qaboojiyo, taas oo suura galisay in Kim Jong Un uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu la kulmo Trump, Trump oo dad badan ay ku tilmaamaan nin aan waxba ka fiirsanin ayaa isla markiiba soo dhoweyay arintaa, arintaas oo dadka siyaasada heerkan oo kale ah khibrada u leh ku tilmaanay arin lagu dagdagay.

Si walaba xaaladu ha ahaato, kulanka ayaa laisla qaatay in lugu kulmo Singapore 12/jun/2018, laakiin waxaa isa soo tarya in uu jiro khilaaf ah, in aan wali la isku waafaqsanayn waxayaabaha la doonoyo in shirka lagaga wada hadlo, taas oo keeni kartta inuu kulanku qabsoomi waayo ama xiligii loo qorsheeyay oo ahaa 12/jun uu dib uga dhaco.

Dowlada Donald Trump ayaa doonaysa in arimaha ugu horeeya ee ay tahay in shirka lagaga wada hadlo ay noqdaan sidii kuuriyada Waqooyi ay u baabin lahayd hubkeeda nukliyeerka ah, halka Dowlada Kuuriyada Waqooyo iyo caqliga saliimka ahba uu sheegayo inayna suura gal ahayn in ay wadahadaladu halkaa ka bilowdaan, waayo Hubkan waxaa ku baxay lacag adag iyo maskax badan, waana hanti uu qaran leeyahay sidaa daraadeed ma fududa in ay arintu halkaa ka bilaabto.

Sida Khuburada One Global Network ee arimaha noocan oo kale ah u dhuun duleela ay aaminsan yihiin, waa in Donald trump dowladiisu ay u aragto Kuuriyada Waqooyi dowlad awood mulatari oo xoog leh haysata, awood u leh in ay magaalooyin USA ah burburiso, oo waliba Nukliyeer haysata.

isku soo duuduub, cabsida laga qabo inuu shirku qabsoomi waayo ayaa maraykanku uu ku eedaynayaa in kulan dhex maray madaxwaynaha Shiinaha iyo madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi uu wax ka badalay go'aanadii hore ee dowlada Kim Jong Un. Halka dadka wax ka qora Siayaasada arimaha dibada ee maraykanaka ay aaminsan yihiin in Dowlada Donald trump ku socoto wada khaldan oo aan meel fog gaadhsiin doonin marka la eego siyaasadeeda arimaha dibada ee ku aadan meelo badan oo aduunka ka mid ah sida go'aankii ay safaaradeeda ugu rartay Qudus ayada oo u aqoonsatay Caasdimada Israel, taas oo sababtay in ay ku dhinteen in kabadan 60 qof oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur, in badan oo kalana ay ku dhaawacmeen, iyo khilaafka arinta Iran iyo kuwo kale oo la mid ah.

ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Sirad Muxumed (khalidyare)

Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan