Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Country Code Top Level Domain (ccTLD)


Dowlada dhexe ee Somaliya ayaa markii ugu horaysay loo ogolaaday inay maamulkiisa la wareegto waxa loo yaqaano Country code Top Level Domain oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano ccTLD oo ah internet domain uu leeyahay ama loo ogol yahay kaliya wadan walba oo xor ah sida ku qeexan ISO 3166-1, wuxuuna ka kooban yahay laba xaraf, domain-ka somaliya ee hada lagu wareejiyay waa .so
Dowlada somaliaya ayaa hada wixii ka danbeeya gacanta ku hayn doonta domain-kaas, tusaale ahaan ccTLD UK ayaa ah .uk, meesha ccTLD USA uu yahay .us, wadamada qaarkood waxay u ogolyihiin ccLTD-kooda inay isticmaalaan dadka wadanka u dhashay kaliya, halka wadamada qaarkood uu u furan yahay aduunka oo dhan, oo micnaheedu uu yhay waxay ogol yihiin in ay isticmaalaan dad aan wadankaas u dhalanin, dano dhaqaale owgeed.


Xil wareejintan waxaa ka soo qayb galay National Communication Authority, oo ah urur u qaabilsan ilaalinta spectrum-ka oo sharciga la tiigsada cidii ku xadgudubta hawada ay isgaadhsiintu isticmaasho, una qoondeeyo organisation walba inta ay hawada ku leeyihiin ama frequency band-koodu yahay iyo qiimaha lagaga iibinayo, taas oo micnaheedu uu yahay inayna labo radio frequency is dhex galin ama ayna interference isku samaynin. dhinaca soomaliaya waxaa munaasabada goobjoog ku ahaa wasiirak Boostada iyo Isgadhsiinta ee Dowlada dhaxe ee somaliya, maamulka Koonfir galbeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay'adaha isgaadhsiinta Somaliya




ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Sirad Mohamed (khalidyare)



Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan