Bitcoin waa lacag digital ah oo wax lagaga iibsan karo internet-ka iyo goobo ganacsi oo kale, waxaa sameeyay Satashy Nakaman sanadkii 2008-dii, in kasta oo ay tahay Technology aduunka wali ku cusub, hadana waxay dad badan u arkaan inay mutaqbal wanaagsan leedahay marka la eego waxayaabaha ay kaga duwan tahay lacagaha kale ee maanta aduunka lagu isticmaalo oo ay ugu horayso in
lacagtan la isu diri karo ayada oo aan canshuur badan la bixinin , ayada oo aan la daba gali karin lacagta meesha loo dirayo hadii aadan adigu ogolaanin iyo faa'iidooyinn kale oo badan.
Waxaa barayahan danbe soo badanaya shirkadha guubaabinaya in lacagtan la isticmaalo oo isugu jira kuwo waawayn iyo kuwo yar yar, tusaale ahaan Subway (alten Town) wuxuu bilaabay inuu ka jabiyo qiimaha wax lagaga iibsanayo qofkii isticmaala Bitcoin, sidoo kale shirkada loo yaqaano Wordpress ayaa lacagatan qaadanayay ilaa 2012-kii.
Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan