Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

CLOUD


Waxaan baryahan danbe aduunka ku soo kordhay baahida loo qabo in akhbaar badan la isu diro, waxaa sidoo kale soo batay qalabka isgadhsiinata loo isticmaalo si akhbaar loo diro ama loo helo, taas oo uu micnaheedu yahay in dad aad u badan ay u suuragasho ma aha oo kaliya inay isticmaalaan qalabkaas, ee sidoo kale waxay doonayaan inay ku isticmaalaan meel walba oo ay aduunka ka joogaan.
Sidaa daraadeed Cloud waa adeeg kuu sahlaya inaad ku kaydsato macluumaad, adiga oo macluumaadkaas ka isticmaali kara meel walba oo aad aduunka ka joogto oo internet service leh.

Inkasto oo uu sistemkan la hindisay wakhti hore oo ilaa 1960kii ah, hadana waxaa laysku raacsan yahay inuu si toos ah u hirgalay oo la suuq keenay dhamaadkii 2006-kii, waxaa loo tiriyaa inuu hirgalintiisa rasmiga ah uu lahaa Larrry Ellison.

waxa kale oo la dhihi karaa, Cloud waa Software suuragalinaya in macluumaad lagu kaydiyo, meelo kala duwan iyo Servaro kala duwan, lagana isticmaali karo meel walba oo aduunka ah, dad kala duwana ay wada isticmaali karaan, adiga, shaqaalahaaga iyo waliba macaamiishaada kale.
Waxayabaha lugu kaydin karo waxaa ka mid ah sharciyada shirkadu ay ku shaqayso, waxyaabaha ay shirkadu qabato, documiintiga shirkada iyo arimo kale oo aad doonayso inaad la wadaagto macaamiishaaada iyo dadka kale ee ay shaqadu idinka dhaxayso, Tusaale ahaan waa serviceka ay isticmaalaan applicashinada baraha bulshada ay ku wada xidhiidho, sida Facebook whatsapp, twitter iyo kuwa la midka ah.


Cloude-yada aduunka ugu waawayn waxaa ka mid ah Cloude Computing oo ay leedahay Shirkada Netsuite, Icloude oo ay leedahay Shirkada Apple iyo OneDrive oo ay leedhay Microsoft.

waa system badlay habkii hore ee ahaan jiray in shirkad walba ama qofwalba uu computer-kiisa ku kaydsado documintiyadiisa, ha ahaato faylal, video, cod iyo wixii la mid ah.
Sistemkan wuxuu suura galinayaa uuna sahlayaa in Shirkaduhu macluumaad aad u badan ay ku kaydsadaaan qiimo yar oo aad u jaban.

ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed