Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

UEFA CHAMPION LEAGUE 2017

Isutaga Iskaashiga Kubad Cagte ee Yurub (UEFA) ayaa ah Ururka maamula Tartamada kubada cagta ee lagu qabto Euope oo ay xubin ka yihiin 55 dowladood. Waxana la aasaasay 1992, Waa Ururka maamula tartanka loo yaqaano UEFA Champions League, oo ah, tartanka ugu wayn tartamada kubada cagta ee lagu qabto aduunka.


UEFA CHAMPIONS LEAGUE

Waxaa ku tartama leegan, kooxaha Europianka ah ee ku guulaysta mid ka mid ah 1-4 boos ee u koraysa tratamada wadamadooda, Tartanku wuxuu socdaa qiyaastii 334 maaalmood sanad walba.


Real Madrid ayaa ah kooxda ugu gulaysiga badnayd tariikhda tartanka UEFA CHAMPIONS LEAGUE oo qaaday 12 mar koobka tartanka, sidoo kale wadanka Spain oo ay Real Madrid ka dhisan tahay ayaa ah wadanka ay kooxihiisu ugu guulaysiga badan yihinn ilaa markii tartankan la aasaasay 1992, ayaga oo ku gulaystay 17 mar, waxaa ku xiga kooxha England iyo Italy oo qaaday 12 mar .


TARTANKA UEFA CHAMPIONS LEAGUE

Tartankan loo yaqaano Champions league waxaa ka qaybgala kooxaha 55 wadan oo xubin ka ha Ururka, wadan walba waxaa ka yimaada kooxaha gala inta u dhaxaysa kaalinta 1-4 ee tartamada wadankooda, iyo kooxda haysata koobkii sanadkii la soo dhaafay oo si shuruud la’aan ah uga qaybgalaysa, iyo hadii kooxdii sanadkii la soo dhaafay koobka qaaday ay hadana gasho 4ta kooxood ee tartanka wadankeeda ugu koreeya, kooxda gashay booska shanaad ee wadankaas waxay xaq u yeelanaysaa inay tartanka ka qaybgasho.


Sida aan kor ku sheegay, waxaa kulanka ka qaybgala kooxaha gala kaalimada 1-4 oo micnaheedu uu yahay xubin/wadan walba oo ka mid ah xubnaha UEFA wuxuu leeyahay wax loo yaqaano UEFFA Coeffcient oo qeexaya inta kooxood ee ka imanyasa wadan X, taas oo hadii la sii qeexolagu go’aansada boosaskii ay gaadheen kooxaha wadankaas 5-tii sano ee tartanka Champions league, taas oo siinaysa coefficient sare hadii ay kooxaha wadankaas final soo gaadheen ama ku dhawaadeen, taas oo hadii la sii lafoguro ah wadanka haysta coeffienct sare wuxuu xaq u yeelanaya inay ka yimadaan 4 kooxood .


WAREEGA TARTANKA UEFA CHAMPIONS LEAGUE

Tartanka waxaa ka qaybgala 79 koxood oo lagu kala saaro, isreereebka 3 wareeg oo loo yaqaano Knockout stage iyo Play-off round, halkaas oo ay ka soo baxaan 10 kooxood iyo 22 kooxood oo horay ugu gudbtay waxa loo yaqaano Stage group. .


Halkaas ayuu tartanku si toos ah uga furmaa ayada oo 10ka kooxood ee ka soo gudubtay isreereebka iyo 22 kooxood eehoray u soo gudubtay oo marka la isku daro noqonaya 32 kooxood.


32 kooxood ayaa loo qaybiyaa 8 group oo groubkiiba uu noqonaoyo 4 kooxood, halkaas oo la isugu aadiyo hab la dhaho double robin system oo ah inay kooxuhu is wada arkaan labo mar, oo micnaheedu uu yahay in koox walba ay la ciyaarto kooxahaas 32da ah labo mar kala duwan (Home and Away), Kadib ayaa kiixaha ka gudba ay hadna u gudbayaan knockout stage waxa loo yaqaano.


ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed