Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

SHAXDA KUBADA CAGTA EE FIFA 2017

Xulalaka Qaranka kubada cagta ayaa lagu kala saaraa hab ay gacanta ku hayso Fifa oo qeexa Sida wadamada aduunku u kala xulal wanaagsan yihiin, waxayabaha la qiimeeyo waxaa ka mid ah, horumarkii ay ka sameyeen Ciyaaraha koobka kubada cagta aduunka , iyo tartamadii kale ee ay ka qayb galeen, ayada oo la qiimaynayo tartan walba adaygiisa iyo waliba sida uu u adag yahay wadanka lala ciyaarayo, ayada oo la eegayo ciyaarihii ugu danbeeyay ee wadankaasu ciyaaray iyo meeshii uu ka ka gaadhay tartankaas.


Sidoo kale, marka la smaynayo shaxda waxaa si gaar ah loo qiimeeyaa ciyaarohii uu wadankaas ciyaaray 12 bilood ee la soo dhaafay, ayado oo isku celceliska guulihiisa la qaadanayo, iyo iskucelceliska guulihii ciyaarihii 12 bolood ka horeeyay.


Shaxada kama danbaynat ah waxaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo Software diyaarsan oo u baaahan kaliya in la galiya natiijada koox walba oo ciyaartay, intaa kadib softwarku isaga ayaa si Automatic ah u samaynaya xisaabta isaga oo qiimaynaya arimaha aan kor ku xusnay.


Tusaale ahaan, badinta ciyaar world cup ah waxaa lagu qiimeeyaa 4.0 points, halka ciyaar Final ah lagu qiimeeyo 3.0, sidoo kale ciyaar loogu soo baxayo Koobka kubada cagta ee aduunka 2.5 points, iyo ciyaaraha Saaxiibtinimada ah oo lagu qiimeeyo 1.0 points.


SHAAXDA XULAKA IYO BOOSASKA AY KU KALA JIRAAN 2017

Tobonka kooxood ee Aduunka ugu xul wanagsan sida ay soo saartay Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee Fifa waxay kala yihiin sida hoos ku qoran. 1.Germany2. Brazil 3. Portugal 4. Argentina 5. Belgium 6. Spain 7. Poland 8.Switzerland 9. France 10. Chile. .


References
http://www.fifa.com/fifa-world-ranking/ranking-table/men/index.html
ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed