Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la sameeyay sanadkii 1969-kii, waxaa lagu sameeyay Wadanka Moroco, waxaa xubin ka ah 57 Dowladood, waa ururka labaad ee ugu xubnaha badan marka laga reebo Uurka Hay’ada Qaramda midowday, waxaa magaalo madax (Headquarter) u ah, Magaalada Jedah ee Wadanka Sucuudi Carabia.

Ururkan wuxuu leeyahay Secretary General oo la doorto 5 sano hal mar, lana ogol yahay in la cusboonaysiiyo mar kale, taas oo micnaheedu uu yahay, ugu badnaan 10-kii sanaba waxaa loo doortaa Hogaamiye cusub.



Waxaa ururkan loo sameeyay inuu ilaaliyo Xuquuqda Dowladaha Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah. Waxaan shaki ku jirin in lagu jiro xiligii Umada Islaamka ah ay ugu baylahsanayd, Dowladihii Islaamka intoodii badnayd waxay isugu jiraan kuwo la marinhabaabiyay, kuwo la burburiyay iyo qayb hal lug ku taagan, halkaas oo shacabkoodii ay qax iyo dhibaato qaybsatay, waxaa ka mid ah Dowladahaas Dowladihii la dhihi jiray Soomaaliya, Libya, Suuruya, Iraq, Yemen, Falastiin.


Ururkan shaqadiisa waxaa ka mid ah inuu dhowro midnimada Umaada muslimiinta ah meel kasta oo ay aduunka kaga dhaqan yihiin, iyo midib kasta ay yihiin, waxaa lagama maarmaan ah in Dowladaha islaamka ay isku meel ka istaagaan siyaasada qalafsan ee aduunka ka jirta maanta, waa in ay si wada jir ah uga horyimaadaan cadaaalad darada ka jirta meelo badan oo aduunka ka mid ah, waa in dowladaha islaamku ka midoobaan Arimaha Siyaasda, dhaqaalaha iyo horumarka technooljiyada, mida ugu muhiinsan waa in ay ku bixiyaan dhaqaalahooda inta ugu badan arimaha la xidhiidha cilmi baadhista gaar ahaan, qaybta Technooljiyada oo aan looga aqaoon badinin, sidii barigii horoba ay ugu horeeyeen Sayniska iyo kuwa la midka ah.



Map-ka Qaybta Cagaarka Ah Waa Meelaha Ay ku Badan yihiin Wadamaada Islaamka Marka la Eego Juquraafiga Aduunka

ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed