Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

TRUMP DABKA UU SHIDAY OO LAGU GUBAN DOONO

Dowlada Maraykanaka ayaa u aqoonsatay Qudus caasimada Yuhuuda taas oo si toos ah ugu soo horjeeda Heshiisayadii horay ay u sixiixeen Dowladaha caalamka iyo Qararadii ay soo saartay Hay’ada Qaramada midowday ee ahaa in ay yuhuudu Qudus kala baxdo Ciidamadeeda balse ay ku madax adaygtay inay sii joogto, ayna isku sii baladhisay militrari ahaan , ayna ka smaysay dhismayaal badan oo aan si xaq ah lagu dhisin, iyo ayado oo cadaadis xoogan iyo dhibaato aad u badana u gaysata shacabka Falastiinyiniita ah ee dagan Magalada Qudus iyo nawaaxigeeda sida aya soo wariyeen dadka u dhuun daloolo falanqeeyana khilaafaadka u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda laga tirada badanyahay.


Dowladaha Yurubiyaanka ah, oo ay UK ugu horaysa ayaa si aad ah uga soo horjeeday ilaa intii uu xukunka qabsaday Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump siyaasadiisa arimaha dibada ee ku aadan dhinaca Muslimiinta, wayna ka horyimaadeen arintan cusub ee ku aqoonsaday Qudus inay tahay Magaalo madaxda Dowlada Yuhuuda.



Trump ayaa dadka siyaasada wax ka qora ay ku tilamaameen inuu yahay nin muslim nacayb aad u qotodheer ku jirto, laga soo bilaabo intii uu xukunka qabsaday wuxuu qaaday talaabooyin badan oo uu muslinka kaga soo horjeeday oo ay ka mid ahaayeen inuu uu Dowlado Islaam ah ka mamnuucay soo galitaanak Wadanka marayknaka iyo tan Hada uu ku aqoonsaday Qudus inay tahay Magaalo madaxada Yuhuuda.


Dadka Siyaasada bariga dhaxe khibrada wayn u leh ayaa ka digay inay arintani shidi doonto dab uu adkaan doono in loo helo Qalabkii lagu damin lahaa. Arintan ma taabanayso dowladaha iyo shacabyada aaminsan Siyaasada cadaalada ku slaysan oo kaliya, ee waxay si qotodheer u taabnaysaa Dowladaha Islaamka iyo shacabka Muslimka, arintan waa mid horseedi doontaa dhibaatooyin badan.

ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed