Gobalka qoraxay wuxuu kamidyahay Gobalada ay ka koobantahay Dowlad Deegaanka Soomalida Ethiopia, Waana Gobal ka mid ah Gobalada ugu baaxada wayn deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay xudunta deegaanka, wuxuu isku xidhaa Caasimada deeganka Jijiga iyo 4 Gobal oo deeganka ka mid ah, Waana sababta ugu wayn ee keenatay in uu noqdo xudunta Deeganka Soomaalida Ethiopia.
Gobolka qoraxeey waa gobal wax soo saar badan leh oo la dhihi karo wuxuu ka mida yahay gobalada ugu wax soosaarka badan Deegaanda Ethiopia ay ka kooban tahay, hadii ay tahay dhinaca xoolaha nool oo ah goblka ugu xoolaha badan ethioiapia oo dhan, sidoo kale wuxuu leeyahay dhul beeralay ah oo aad u balaadhan oo lagu amaanay caro sami iyo cimilo fiican, oo ay ka bixi karaan
dalagyo ay ka mid yihiin Galayda, masakada ama hadhuudhka iyo kuwo kale oo la mid ah, Macdanta dabiiciga ah waa Gobal uu ilaahay ku manaystay, Shidaalka nooca loo yaqaano Badroolka oo ah shidaalada aduunka ugu qaalisan oo laga helay kaalub ama Jeexdin.
Gobolka qoraxeey waa Gobol ay ka muuqato luguna yaqaano, ma aha oo kaliya inuu yahay gobol taariikh wayn ku leh Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, ee waa Gobal ay ka muuqato horumarkii iyo Taariikhdii Soomaalidii hore oo ay ugu horeeyaan Dagaalyahandii ugu caansanaa ee wax wayn oo la taaban karo u soo qabtay Shacabka Soomaalida ee manta aduunka ku dhaqan guulo badan oo lagu faani karana soo hoyiyay , Waxaa ku yaala raadkii Dagaalyahano iyo hogaamiyayaal ay ka mid yihiin Allah u naxariisto Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Axamed Ibni Ibrahim(Axmed gurey) iyo qaar kale oo badan.
Waxaa si gaar ah mudan in la xuso Daarta caanka ah ee uu dhisay
allaha unaxariistee sayid maxamed cabdile xasan,
Sayid Cabdille Hasaan
Oo looyaqaano Daarbalaayo,
Oo laga sameeyay sida taariikhdu ay qorayso dhismaheeda caano iyo ciid
layskudaray, Ilaaa hadana taagan oo wali dumin marka gobalka qoraxeey
waa gobal ku wanaagsan dhanka dalxiiska waxuuna caan ku yahay oo
intaa sii dheer bulsho wanaag .