Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Shucaac ku furmay Baarlamaanka Somaliya




Maalmihii la soo dhaafay, waxay dowlada dhexe ee somaliya iska raadisay awood, oo ay la aaday meel khaldan, ka dib markii ay isku dayday inay carqaladayso heshiiskii Dekada Berbara ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Ethipia.
wuxuu baarlamaanka Somaliya ansixiyay in heshiiskaas uu sharci daro ahaa, Dp World-na laga mamnuucay inay wax mashruuc ah ka fuliso Somaliya, waxaa ka soo wareegay oo kaliya maalmo markii uu go'aankaa soo baxay, waxaa ku xigay in Gudoomiyihii Baarlaamnka Jawaari laga keenay Mooshin la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo.

Baarlamaanka ayaa isku haystay mooshinka ha la keeno golaha si looga doodo iyo lama keeni koro. Sida Dastuurka madaxa ku socda ee Somaliya uu qorayo, marka mooshin la doonayo in Gudoomiyaha Baarlamaanka kalsoonida lagala noqdo la keeno Baarlamaanka, waa in ay sixiixaan mooshinkaa ugu yaraan 92 xildhibaan, marka arinta yaabka leh waxay tahay oo aan caqliga galaynin in gidoomiyihii baarlamaanka uu leeyahay xubno idinku filan ma haysataan si aad booska iiga qaadaan, qolyihii mooshinka watayna waxay leeyihiin ka badan ayaan haysanaa, waa arin lagu qoslo, taasu waxay ku tusaysaa Wixii dowlad shacabka Somaliya looga dhigay iyo aqalkii ugu sareeyay maamulka wadanka, taladoodu halka ay marayso. Arintu halkaa way ka sii gudubtay oo hada waxay taagan tahay in Dhismihii Baarlamaanka ciidan cusub ay maamulkisii la waregeen, oo gudoomiyihii Baarlamaanka uu yidhi ha la ogaado Baarlamaankii waxaa ku hareeraysan ciidan ka amar qaata Raysulwasaare Khayre wixii dhacana isaga ayaa ku masuula.
Hadaba, su'aashu waxay tahay Shucaacu xagee ayuu ka yimid?, Jawaabtu way iska fudud dahay, dowlada Somaliya waxaa wanaagsanayd inay ogooto awoodeeda, oo Heshiiska Somaliland, Dp World iyo Ethiopia ay u kaadiso oo ayna faragalinin, oo Arintaa Somaliland loo daayo.


Arintu si walba ha ahaato, sida waraku ay sheegeen maalmihii la soo dhaafay waxaa dhacayay shirar u dhaxeeyay hogaamiya goboleedyada iyo dowladaha aan dariska nahay. sida aan la soconana nasiib daro dowladaha dariska la ah somaliya awood badan ayay ku leeyhinn Siyaasada Somalia. Sidaa daraadeed waa arin iska cad in la iska hor keenay, hadii ay tahay gobolo dano gaar ah leh, ama wadamo dano gaar ah leh, iyo shakhsiyaad dano gaar ah leh.


ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Sirad mohamed


Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan