Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Khayre Ha Carqaladaynin Dhul Nabad Ah


Baryahan danbe waxaa isa soo tarayay oo muran balaadhan dhaliayay heshiiska dhex maray Dowlada somaliland iyo Shirkada DP World, ee Dakada Berbera.
Waxaan jeclahay inaan ku bilaabo qoraalkayga oo aan ugu horaysiiyo Faa'iidada ay leedahay dekadan, cida ay u leedahay, iyo dhibka ay keeni karto hadii ayna dakadu helin maalgalin iyo dayactir wanaagsan oo casri ah, si ay u martigaliso dhoofinta khayraadka Somaliland iyo wadamada dariska la ah sida Soomaaliya iyo Ethiopia, isla mar ahaantaana ay wax uga soo dagsan karaan ulana macaamili karaan aduunka intiisa kale.
Laakiin inta aana ka jawaabin Sulaaha kor ku xusan, aan ka horaysiiyo sida ciwaanka uu yahay, inayna wanaagsanayn in la carqaladeeyo dhul xasiloon oo ay ka suurta gashay arimihii dowliga ahaa oo idil, oo ay ugu horayso nabadgaliyo buuxda oo ka jirta wadanka Somaliland, waxaan u jeedaa dowlada Soomaaliya maanta ma taagna xiligii ay ka hadli lahayd ama faragalin ku samayn lahayd maamulka ayada ka baxsan, waxay dad badan oo siyaasada geeska africa lafagura aaminsan yihiin inay tahay xiligii waxa laga baran lahaa dowladaha dariska, sida dowlada Somaliland, oo la waydiin lahaa Somaliland sid ay ku gaadhay meesha ay maanta marayso, hadii ay tahay sida ay u shaqaynayaan hay'adaha nabadgaliyada, ilaha dhaqaalaha, caafimaadka iyo kuwa la midka ah, halka Somaliya Gobol dhan oo la dhaho Shabeelaha hoose loo daayay burcad ay taageerto Dowlada dhexe ee Somaliya.



Waxaan Qoraalkayga ku soo gabagabaynayaa inaan ka jawaabo Su'aalaha aan kor ku soo sheegay, aniga oo ku bilaabaya faa'iidada Dekaeda oo ah mid aad u balaadhan, ayaa fii'iidada koobaad u leh shacabka Somaliland, marka labaad Shacabka Somaliya, marka sadexaad shacabka Kilinka shanaad , marka afraad shacabka Ethiopia iyo Jabouti. Mida kale waxaa iska cad in Dekadu ay u baahan tahay in la malgaliyo si uu wax soo saarkeedu u bato, ayna suura gal noqoto in baahida gobolka ay daboosho, sidaa daraadeed ma aha in la carqaladeeyo horumarkan.
Somaliland waa dowlad xor ah, dastuurkeeda leh, sidaa daraadeed, yayna carqaladaynin Dowlad hawadeeda ay xabado isku dhaafdhaafayaan, wadadii lagaga bixi lahaana aan haynin. Dastuurkeeduna uu qabyo yahay, oo aan lahayn hal nidaam oo dastuuri ah oo ay ku wada shaqeeyaan oo ilaa hada heshiis ku ah Musuqmaasuq.

ONEGLOBALNETWORK
Khalid Sirad Mohamed(khalidyare)



Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan