Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Beesha Gaadsan

Beesha Gaadsan waa beel ka mid ah beelha Soomaalida ugu waawayn, kuna abtirsata beesha Biimaal Dir, waxay beeshu dagtaa Kabti Nuur(Ethiopia) Nusdariiq(Ethiopia) Garati(Ethiopia), Iimay(Ethiopia) Gobolka Shabeelaha Hoose(Somaliya), Gobolka Baay(somaliya), Gobolka Bakool(Somaliya), Gobolka Jubada Hoose(Somaliya).

Waa Beel Ilbaxnimo soo jireen ah leh, waxay hormuud ka haayeen Boqortooyinkii Biimaal ee Talyaaniga ka xoreeyay dalka Soomaaliya,tirada shacabka ku abtirsada Qowmiyadan ayaa lagu qiyaasaa shacab aad u balaadhan, oo ku kala nool Magaalooyonka aan kor ku xusnay iyo Baadiyaha ku hareeraysan, waxay isugu jiraan Ganacsato, Beeraleey iyo Xoolo dhaqato, ayago oo inta badan aad loogu qadariyo inay yihiin dadka Soomalida ugu xoolaha badan gaar ahaan Geela, Sanadahan danbana luqu qadariyo inay qayb fiican ka ciyaaraan Ganacsiga casriga ah ee maanta aduunka ka jira, Sidoo kale waa shacab aqoonta Diinta Islaamka lagu ixtiraamo.

Sanadihii la soo dhaafay waxay beeshu waday mashruucyo ay ku dhisayso Magaalooyin casri ah(smart City), Goobo waxbarasho, Goobo Caafimaad Iyo Masaajidyo, Ayada oo la filaya inay faa'iido badan u yeelan doonto ma aha kaliya shacabka Reer Gaadsan ee sidoo kale waxaa ka faa'iidi doona beelaha dariska la ah, dadka taariikhda wax ka qora waxay ii shegeen in beeshan lagu yaqaano daris wanaag



ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Yare


Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan