Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Gugii Africka

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay siyaasada aduunka waxay ku jirtay hab is bad-badal badan oo aan horay looga baranin gaar ahaan Gugii wadamada Carabta, Dowladaha Khaliijka, Africka iyo Wadamo kale oo ay ka mid tahay Dowlada Maraykanka(usa) badalay siyaasadihii lagu qaoon jiray.

Dadka siyaasada lafaguro waxay saadaliyeen in uu curtay Gugii Ibadalka siyaasada Afrika, uuna u curtay si ka gadisan Kii carabta, inkasta oo uuna shaki ku jirin in ay meelo badan isga mid noqon doonaan oo ay ugu horaysa in xukuumadaha awooda xoog lagaga xayuubiyo, hadana waxay ku kala duwan yihiin qaabka xilka looga qaadayo dowladaha jira.
Sida aan ognahay Gugii carabti wuxuu ku salaysnaa hab kacdoon shacab, banaanbaxyo, xabad iyo rasaas la is waydaarsady oo dad badan ku dhinteen in kalana ku dhaawacantay. Laakiin Guga Africka oo ka curtay Zimbabwe ayaa ku salaysan Xisbiyada talada dowlada haya oo si toos ah uga horimnaya hogaamiyahooda/madaxwaynaha talada haya, ayaga oo ku qasbaya inuu is casilo oo uu xukunka isaga tago, South Afrika ayaa lagu wadaa inay wadadii Zimbabwi oo kale marto, sidoo kalna wadmo kale oo Qaarada Afrika ah ayaa looga cabsi qabaa inay Wadadaas maraaan oo ay ugu horayso Ethiopia



ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Yare

Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan