Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

ONLF

Wadahadalo lagu heshiisiinayo Ururka Jabhada Xoraynta Ogaadeeniya iyo Dowlada Ethiopia ayaa ka socda Magaalo madaxda dowlada Kenya ee Nairobi, in kasto oo uu shirkan yahay mid albaabadu u xidhan yihiin oo ay adagtahaya in la maleeyo waxa ka soo bixi doona, hadana dadka arimha Jabhada iyo ethiopia u dhuun daloola waxay sheegeen inuu shirku si fiican u socdo lana fili karo in uu natiijo fiican ku dhamaado.

Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ka jiray kacdoono siyaasadeed oo badan sanadihii la soo dhaafay kuwaas oo aad moodo inay isa soo tarayaan baryahan danbe, sidaa daraadeed waxaad moodaa in la soo gaadhay xiligii dowlada ethiopia ay badali lahayd siyaasadeeda, oo ay xooga saari lahayd dhinaca wadahadalada nabada iyo sidii ay xal waara ugu heli lahayd khilaafka wadanka ka jira.

Ismarinwaaga u dhaxeey Dowlada Ethiopia iyo Jabhada ONLF ayaa ah mid mudo dheer socday, marka shirkan fursad ayuu u yahay labada dhinacba, wuxuuna keeni karaa in la isu soo dhowaado si khilaafka loo soo afjaro.

ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Yare



Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan