Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

ONE GLOBAL NETWORK

One Global Network waxaa la aasaasay horaantii sanadkii 2015, waxaa lagu aasaasay magaalada London Wadanka UK, waxay maskaxdiisa ka timid Khalid Sirad Muxumed, inkasto, oo ay shirakadan wali aad u da’yartahay, hadana waxaa lagu amaanay inay howlo badan oo la taaban karo ay qabatay mudadii ay jirtay.

Howlaha ay qabato

Shirkadan waa shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxayna ka sharciyaysan tahay wadanka UK, waxay macluumaad wax ku ool ah ka bixisaa arimaha ku saabsan Technoolajiyada, Siyaasada, dhaqaalaha iyo sportiska.

Qaybaha Shirkada

One Global Network waxay ka kooban tahay, dhowr qaybood oo ay ka mid yihiin Waaxda maamulka, Waaxda Technoolajiyada, Waaxda Sportiska Waaxda wararka iyo waaxda Diinta Islaamka

Shirkada sida kor ku xusan Head quartarkeedu wuxuu ku yaalaa Magaalada London, waxayna ka howlgali doontaa meelo kale oo caalamka ka mid ah bilaha inagu soo aadan.


ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Mohamed