Lacag la'aan halkan wax Ku xayaysiiso

Subscribe to our channel

Madaxwaynaha South Afrika Oo Is Casilay


Madaxwaynihii South Afrika Jacob Zuma ayaa xilkii iska casilay maanta oo ay bishu tahay 14/02/2018, ka dib markii xisbiga ANC ee uu ka tirsan yahay u sheegay in hadii uu is casilo waayo loo qaadi doona codka kalsoonida, taas oo keeni lahayd in xoog lagaga qaado xilka, hadii codkaa lagaga guulaysto.

Jacob Zuma waxaa lagu eedeeyay inuu falal musuqmaasuq ah ku kacay oo uu lacago badana dhunsaday, laakiin Zuma wuu diiday dacwooyinkaas lagu soo oogay, wuxuuna ku tilmaamy in xisbiga ANC ay ula dhaqmeen si khalad ah oo aan cadaalad ahayn, wax khaldana uuna samaynin.

Dacwooyinka ku saabsan musuqmaasuqa ayaan ku cusbayn South Afrika, oo waxaa wadadan horay u maray Madaxwyanihii isaga ka horeeyay oo isna lagu eedeeyay Musuq, xilkana laga xayuubiyay



ONE GLOBAL NETWORK
Khalid Yare

Wixii fariin ah hoos ku reeb fadlan